Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha Booliska Jabuuti oo dalka yimid & Xog ku aadan ujeedka safarkiisa (Sawirro)

Wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Boliiska dalka dalka Jabuuti G/lle sare Cabdiraxmaan Cali Kaahin ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Waxaa si weyn u soo dhaweeyey Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska General Cismaan Cabdullaahi Kaniif iyo saraakiil kale oo ka tirsan laamaha amaanka Somalia.

Safarka Taliyaha ayaa la xiriira ka qeyb galka Munaasabadda weyn ee 80 sano guurada aasaaska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ku beegan Maalinta Berrito ah 20 December.

Wafdiga taliyaha ayaa loo galbiyey xarunta Taliska ee Komaanda Boliisiya halkaasoo ay kulamo kula leeyihiin Taliyaha Ciidanka Boliiska General Sulub Axmed Firin.

Related posts

Dowladda Somalia oo digniin culus ka soo saartay cudurka Coronavirus (Akhriso)

Caydiid Ali

Farmaajo oo ka hadlay Dagaalka ka dhanka Al Shabaab baaqna u diray shacabka Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Xulka kubada cagta Somalia oo galabta ka haray Isreeb-reebka Koobka Adduunka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---