Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wada xaajoodyo xoog leh oo ka socda QM & xabad joojinta Gaza oo miiska saaran

Wada xaajoodyo xoog leh ayaa ka socda Qaramada Midoobay ka hor codaynta la filayo maanta in loo qaado qaraarka ku baaqaya in la joojiyo dagaalka si loo ogolaado gargaarka muhiimka ah inuu galo magaalada Gaza, sida ay sheegeen diblamaasiyiinta.

Codeynta ayaa markii hore loo qorsheeyay Isniinta, laakiin waxaa dib loo dhigay hal maalin si loo helo waqti dheeri ah oo wadahadal ah. Xudunta wadahadalka ayaa ah qorista luqadda heli karta codka “haa” ee Maraykanka.

Qaraarka qabyada ah ayaa la sheegay in markii hore uu ku jiray baaq ku saabsan “joojinta colaada” si loogu ogolaado gargaarka aadka loogu baahan yahay inuu galo Gaza. Diblomaasiyiintu waxay rajo ka qabeen in luqaddaas oo loo beddelo “hakinta colaadaha” ay heli karto taageerada Maraykanka.

Maraykanku waxa uu horey u diiday talaabooyinkii hore ee golaha amaanka waxaana uu u codeeyay baaqa xabbad-joojin golaha guud ee QM.

Taasi waxay siinaysaa muhiimadda codbixinta Talaadada maanta Haddii Maraykanku ogolaado in qaraarku meelmaro, waxay Israa’iil ku qasbi doontaa iney dagaalka joojiso ama ugu yaraan hakiso

Mareykanka iyo Israel ayaa gadaal ka riixaya qorshe xabad joojin kale oo KMG ah si loola gorgortamo Xamaas, loona sii daayo maxaabiista Israaiiliyiinta ah ee illaa hadda gacmahooda ku jira.

Related posts

Ma aqrisay Farriinta uu soo diray musharrax madaxweyne Xasan Cali Khayre?

Cabdi Cade

Qarax dad badan ku dhinteen oo saakay ka dhacay Duleedka Muqdisho

Cabdi Cade

Wasiiro Itoobiyaan ah oo Muqdisho imaanaya iyo Xog ku aadan ujeedka Socdaalkooda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---