Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Danjire Fei Shengchao oo deeq lacageed ku wareejiyey dowlada Somalia (Sawirro)

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta waxa uu Dowladda Shiinaha kala wareegay lacag dhan 1,000,000 (Milyan Dollar).

Deeqdan ayaa loogu talo galay gurmadka loo sameynayo dadka ay saameeyeen xaaladaha adag ee ay sababtay El-NiƱo.

Lacagtaan ayaa dowladda Shiinaha waxay ugu talagashay in lagu daabulo Raashin ay dhawaan dalka keeni doonto si dadka tabaalaysan loo gaarsiiyo.

Deeqdaan lacagta ah waxaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ku wareejiyey Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaliya Mudane SaH.E Fei Shengchao.

Related posts

Haweeney Soomaali ah oo doorasho kaga guuleysatay ganacsade Maraykan ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada Ukraine oo bur buriyay Markab Ruushka lahaa oo gantaalo ku rarnaayeen

Cabdi Cade

Ciidamo badan iyo Gaadiid Dagaal oo Duulaan ku ah Al Shabaab ka baxay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---