Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre oo shirweyne sanadle ah ah ka furay dalka Jabuuti (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dalka Jabuuti ka furay shirwaynaha sanadlaha ah ee machadka Heritage, oo sanadkan diiradda lagu saarayo kobcinta dhaqanka nabadda Geeska, oo saamayn ku leh guud ahaan bulshooyinka gobolka gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo madasha khudbad dheer ka jeediyey ayaa ka warbixiyey muhiimada uu mawduucan leeyahay iyo sida uu u taabanayo nolosha shucuubta mandiqadda ku nool – gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in nabaddu fure u tahay albaabada naga xiran ee horumarka amni, dhaqaale, bulsho iyo mid siyaasadeed intaba.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Somaaliyeed muddo dheer dagaal xooggan ay kula jiraan wax uu ugu yeeray kooxaha Khawaarijta ah ee argagixisada oo khatar ku ah dalkeena, gobolka geeska iyo guud ahaan caalamkaba.

Mudane Xamsa waxa uu sheegay in si aan dal iyo dibadba uga baadi goobno nabadda naga maqan, ay dowladda Soomaaliyeed ka dhigtay mid ka mid ah tiirarka barnaamijka Xukuumadda Dan-Qaran “Soomaali Heshiis ah Dunidana heshiis la’ah”.

Gabagabadii Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahad-celiyey Madaxwayna Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle doorka shariifka ah ee isaga shacabkiisu ka qaateen madasha isagoo ku bogaaadiyey Machadka Heritage dadaalka ay geliyeen inay isku keenaan boqolaal qof oo Soomaaliyeed oo ku kala nool daafaha caalamka si loo lafa giro Nabadda Geeska.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Maamulka G/Banaadir oo balan-qaad Muhiim ah ka helay Bankiga Adduunka (Sawirro)

Caydiid Ali

Sidee DF uga falcelisay dhibaatadii ka dhacday degmada Wanle-weyn?

admin

Mashruuca Naqshadeynta Bulaacadaha iyo Biyo-mareennada Muqdisho oo la Daah-furay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---