Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland oo wareejiyay diiwaanka galalka habraacyadii…

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka golaha Wakiillada Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland ayaa guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo ansixinta golaha Wakiillada ku wareejiyey diiwaanka galalka habraacyadii soo jireenka ahaa ee lagu soo xuli jiray xubnaha golaha Wakiillada

Waxa uuna sheegay guddoomiyaha in guddiga diiwaankii uu hayay ugu wareejiyay si guddiga  ugu fududaato gudashada waajibaadkooda asixinta iyo xalinta khilaafaadka Baarlamaanka 6-aad ee Puntland.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa amray xoghayaha guud iyo dhammaan hawl-wadeenada goluhu in ay la shaqeeyaan guddiga, una fududeeyaan wixii shaqo ee uga baahdaan muddada ay ku shaqeynayaan Xarunta Golaha Wakiillada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahino ka soo baxaya Masuul ka tirsan Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Caydiid Ali

Nin 800 KM gadaal gadaal u soconaya iyo Sababta Ku kaliftay (Daawo Sawirro)

admin

Saudi Arabia oo laga furayo dukaankii ugu horeeyey ee Khamriga lagu iibiyo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---