Allbanaadir.com
NEWS

Hannaanka soo saarista degmo oo maanta Muqdisho lagu daah-furay (Sawirro)

Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa daahfuray Hannaanka soo saarista Degmo tusaale u noqon karta Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, iyadoona loo xushay Degmooyinka Cabdicasiis iyo Degmada Xamarweyne.

Madashan oo ay ka qeybgalayeen Maamulada Degmooyinka Cabdicasiis, Xamarweyne, Aqoonyahno ka socday Jaamacadaha dalka, Injineero iyo qeybaha Bulshada ee labada Degmo, ayaa la isku dhaafsaday talooyin iyo aragtiyo ku aadan hanaanka soo saarista Degmo tusaale u noqon karta Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

Barnaamijka ayaa qeyb ka ah fulinta Qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir ee 2023-2024 taasi oo ku aadan helida Degmo tusaale u noqota Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo ka soo horjeestay Xil ka qaadistii Wasiirka Amniga Gudaha

Cabdi Cade

Wasiiro ka tirsan dowlada Itoobiya oo Muqdisho soo gaaray

Caydiid Ali

Saraakiisha Muhiimka ah ee ku dhintay kuna dhaawacmay Dagaalka Guriceel (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---