Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Maxaa ka jira in Mid ka mid ah raggii ay toogteen Al-Shabaab uu ka tirsanaa MI6?

Guddoomiyaha Alshabaab ugu magacaaban gobolada Jubbooyinka Shiikh Maxamed Abu Cabdalla ayaa in Shanta ruux ee ay ku dileen degmada Jilib uu ka mid ahaa Cawaale Axmed Maxamed oo 32 jir ah kaasoo u basaasayay heyadda sirdoonka Ingiriiska ee MI6.

Cawaale wuxuu u shaqeynayay sirdoonka Ingiriiska ee loo yaqaan MI6, wuxuu sheegay inuu muddo sanado ah u shaqeynayey dowladda UK, sidoo kale waxaa uu maxkamadda ka hor qiray inuu basaasay dad Soomaali ah oo dalka UK deggan, isagoo ugu dambeyntiina ay saraakiisha MI6 lacago siiyeen una soo direen Soomaaliya si uu ugu biiro Daacishta Soomaaliya, waxaana gacanta lagu soo dhigay isagoo muslimiinta dhagar u maleegaya”  ayuu yiri masuulkan ka tirsan Al-shabaab.

Abuu Cabdalla ayaa intaa ku daray  in saddex ka mid ah raggii  ay dileen ay u basaasayeen sirdoonka Maraykanka ayna caawinayeen  diyaaradaha duqeymaha ka fuliya saldhigyada Alshabaab halka ninka afaraadna uu ahaa sirdoon u shaqeynayay heyadda NISA.

Guddoomiyaha Al-Shabaab ugu magacaaban gobolada Jubbooyinka Shiikh Maxamed Abu Cabdalla  ayaa u digay basaas kasta oo ku dhex jira ciidankooda in maalin maalmaha ka mid ah la qaban doono, ciqaab dil ah lagu fulinayo.

Dowladaha Somalia, UK iyo Maraykanka ayaan ka hadlin raggan ay toogteen Al-shabaab, horeyna marar badan ay kooxdan dilal noocan ah ugu fuliyeen rag lagu eedeeyey basaasnimo.

Hase ahaatee Warka ay faafiyeen Alshabaab ayaa la yaab ku noqday dadka qaarkii iyadoo ninkan saxaafadda Ingiriiska ay hore u sheegtay inuu yahay jihaad doon ay isha ku hayaan sirdoonka Ingiriiska oo ku eedeysan inuu ka tirsan yahay koox argagixiso, laakiin wuxuu ka baxsaday Ingriiska, isagoo ku jira liiska dadka ay ilaalada ka hayaan sirdoonka Ingiriiska.

Xubno ka soo baxsaday Alshabaab ayaa sheegay in ninkan uu ka tirsanaa Daacish, markii uu u gacan galay Alshababna ay si xun u jirdileen heer uu gaaray inuu kala garan waayo dadkii xabsiga kula jiray ka dib miyirkiisu isku dhex yaacay.

Arrinta ninkan heysta dhalashada UK ayaa noqotay sheeko la yaab leh oo labada dhinac ka gubatay xaqiiqa ahaan aad u adag in laga sal gaaro.

Dowladaha Somalia, UK iyo Maraykanka ayaan ka hadlin raggan ay toogteen Al-shabaab, horeyna marar badan ay kooxdan dilal noocan ah ugu fuliyeen rag lagu eedeeyey basaasnimo

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Cawad oo Madaxweyne Farmaajo ku matalaya shir maanta furmaya

Cabdi Cade

Taageerada Galmudug iyo Xasaradaha Xamar Maxaa ka Dhaxeeya ?

Cabdi Cade

Dowlad kale oo aqbashay markab siday muhaajiriin Talyaaniga u diiday dalkiisa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---