Ra’isul-wasaaraha dalka Bulgaria, Nikolai Denvok ayaa ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin inay Wada-hadal la bilaabaan Burcad-baddeeda Soomaalida ee gacanta ku haya Markabka Xamuulka ee isbuucii hore laga qafaashay Gacanka Cadmeed.
Waxa uu intaasi ku daray inay ku rajo weyn yihiin inay sida ugu dhaqsaha badan ay Burcad-baddeeda kala xaajoodaan Lacagta Madax Furashada, si loo sii daayo Shaqaalaha iyo Markabka la afduubtay oo lagu magacaabo MV RUEN.
Markabkaasi oo ku safrayey Calanka Jesiiradda Malta, waxaa uu waday Rar Shixnad Kiimikada loo adeegsado Bacriminta Beeraha.
Markabkaasi oo ay la socdaan 18 Badmaax ayaa waxaa dabayaaqadii isbuucii hore lagu arkay meel ka baxsan Xeebta magaalladda Bandar Murcaayo ee Maamulka Puntland.
Dhanka kale, Ra’isul-wasaaraha dalka Bulgaria, Nikolai Denkov oo xilkaasi hayey tan iyo bishii June 6-dii ee sanadkan 2023-ka wax Faahfaahin dheeraad ah kama bixinin Kharajka Madax Furashada ee ay Burcad-baddeeda codsadeen iyo Qolyaha Dhexdhexaadinta ee Dallaalka ka ah Wada-xaajoodkaasi.
Sidoo kale, ilaa haatan wax war ah kama soo bixin Burcad-baddeeda afduubatay Markabka Xamuulka dalka Bulgaria ee RUEN oo ku aadan Cadadka Lacagta madax furashada ee ay dalbadeen, si loo sii daayo Markabka iyo Badmaaxiinta la socota.
Si kastaba, Markabka la qafaashay oo la sheegay inuu meereysanayo Xeebaha Bariga Somalia ayaa waxaa ilaalo ka haya Maraakiib Dagaal oo laga leeyahay dalka Hindiya, kuwaasi oo uu Gurmad ka codsaday Kabtanka Markabka la qafaashay.
W/Q Ustaad Nuuradiin Abuukar
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com