Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Deni, Karaash & C/rashiid Jibriil oo heshiis ka gaaray khilaafkii doorashada

Shir ay yeesheen Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa looga hadlay Doorashada Puntland.

Mas’uuliiyiintan iyo Saciid Deni ayaa waxaa ka dhex aloosnaa khilaaf adag oo la xiriira arrimaha doorashooyinka Puntland

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland Madaxda ayaa ku heshiiyey qodobada soo socda :

  1. In Guddiga Madaxweynuhu magacaabay ee ansixinta iyo xallinta khilaafaadka ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland sidiisa loo daayo.
  2. In Baarlamaanka imanaaya ee 6-aad uu ku yimaado habraaci uu ku yimid Baarlamaankii 5-aad, oo muddo xileedkiisa ku eg yahay 31 December 2023.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa caawa kulan la qaatay Guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka Golaha wakiillada Dowladda Puntland.

Madaxda ayaa guddiga kula dardaarmay in ay waajibaadkooda u gutaan si wanaagsan, iyadoo la raacayo habraacii soo jireenka ahaa ee 66-da xildhibaan hore ugu iman jireen, kaasi oo cuqaasha iyo Isimadu soo gudbiyaan xubnaha ku metelaya Golaha Wakiilada Dowladda Puntland. Waxayna guddiga u rajeeyeen in Allah u fududeeyo masuuliyadda saaran.

Related posts

Ciidamada Danab oo Maalintii shanaad howlgal culus ka wada Jubooyinka (Sawirro)

Caydiid Ali

Gen. Stephen J.Townsend oo gaaray Boosaaso lana kulmay Madaxweyne Deni (Sawirro)

Cabdi Cade

Farmaajo oo ka fal celiyey hadalkii uu saaka Shiikh Shariif ka jeediyey Golaha Shacabka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---