Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa booqasho-tacsiyeed ku tagay dalka Kuweyt.
Waxaa uu la wadaagay Amiirka dalkaas Mudane Sheekh Mishcal Al-Axmed Al-Sabaax dhambaalka tacsida shacabka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan geerida ku timid, Alle ha u naxariistee, Amiirkii Kuweyt Sheekh Nawaf Al-Axmad Al-Sabaax.
Madaxweynaha oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Carbeed ee ka qeyb-galay tacsida Amiirka ayaa murugada la qeybsaday Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Amiirrada oo uu la kulmay.
Talefishinka dalka Kuwait ayaa shalay xaqiijiyay geerida Sheekh Nawaf Al-Axmed Al-Sabah, waxaana bayaan laga sii daayay telefishinka lagu sheegay in dadka Kuwait u tahay maalin murugo oo ay waayeen Amiirkooda qaaliga ahaa.
Qaar kamid ah madaxda Carabta iyo kuwa caalamka ayaa dhambaallo tacsi ah u diray dowladda Kuwait, waxayna uga tacsiyadeeyeen geerida naxtinta leh ee maanta ku timid Amiirkooda.
Sheekh Nawaf Al-Axmed Al-Sabah oo sannadkii 2006-dii noqday Amiir ayaa talada dalka Kuwait la wareegay sannadkii 2020-kii , waxa uuna xilka kala wareegay walaalkiis Sheekh Al-Axmed Al-sabax oo geeriyooday.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA