Allbanaadir.com
NEWS

Human Rights Watch oo Israa’iil ku eedeeysay iney hub ahaan u adeegsatay gaajo

Human Rights Watch ayaa waxay ku eedaysay Israa’iil inay xanibaada garaarka galaya magaalada Gaza iyo gaajada u adeegsatay hub dagaal iyadoo arrintaas ku tilmaantay dambi dagaal.

Cumar Shaakir oo ah Agaasimaha Human Rights Watch ee Israel iyo Falastiin ayaa CNN u sheegay in maamulka Israel ay muddo bilo ah si ula kac ah uga joojinayeen dadweynaha Gaza cunnada iyo biyaha, iyagoo si bareer ah u hor istaagaya gargaarka bini’aadamnimo.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyey Israel iney si ula kac ah u burburisay walxaha lagama maarmaanka u ah badbaadada, oo ay ku jiraan goobaha rootiga lagu dubo, warshadaha haruurka ah iyo biyaha. iyo tas-hiilaadka fayadhowrka.

Warbixintu waxay ku salaysan tahay waraysiyo lala yeeshay Falastiiniyiin ku barakacay Qaza, bayaanno ay soo saareen xubno ka tirsan dawladda Israa’iil iyo bayaanno ay soo saareen hay’ado ay ka mid yihiin Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku-dubbaridka arrimaha bini’aadamnimada, Barnaamijka Cunnada Adduunka, Oxfam iyo Hay’adda Norwegian Refugee Council.

“Hadalada ka soo baxay saraakiisha sare ee Israa’iil waxay muujinayaan in tani ay tahay siyaasad ula kac ah oo lagu gaajeysiinayo dadka rayidka ah si ay u noqdaan hub dagaalka loo adeegsado,” ayuu yiri Shaakir.

Warbixinta Human Rights Watch waxay xustay in “Saraakiil sarsare oo Israa’iil ah, oo ay ku jiraan Wasiirka Difaaca Yoav Gallant, Wasiirka Amniga Qaranka Itamar Ben Gvir, iyo Wasiirka Tamarta Israel Katz ay sameeyeen bayaanno ay fagaareyaal ka jeediyeen oo ay ku muujinayaan ujeeddooyinkooda ah in ay dadka rayidka ah ka joojiyaan Gaza cuntada, biyaha iyo shidaalka

“Saraakiisha kale ee Israa’iil ayaa si cad u sheegay in gargaarka bini’aadantinimo ee Gaza ay ku xirnaan doonto sii daynta la haystayaasha sida sharci darrada ah u haysta Xamaas” ayey intaas ku dartay Human Rights Watch.

“Taasi waa dembi dagaal oo aad looga naxo, taas oo sii kordhinaysa ciqaabta wadajirka ah ee lagu hayo rayidka Falastiiniyiinta iyo xannibaadda gargaarka bini’aadantinimo, Madaxda adduunku waa in ay ka hadlaan oo ay qaadaan tallaabo degdeg ah si ay uga hortagaan gabood-fallo hor leh” ayuu yiri Shaakir

Afhayeenka xukuumadda Israa’iil Eylon Levy ayaa si xoog leh u diiday eedeymahaa, isaga oo sheegay in Xamaas ay mas’uul ka tahay waxaa ka socda Gaza.

“Tani waa been Israa’iil waxay leedahay awood ay ku baarto in ka badan laba jibaar baabuurta gargaarka ee galaya Gaza. Waxaan wali biyaha siinaa Gaza qeybo ka md ah mana aynaan saarin wax xannibaad ah gelitaanka cuntada iyo biyaha,” ayuu yiri Levy.

Human Rights Watch waxa ay sidoo kale tixraacday qiimeynta haqab-beelka cuntada ee Qaramada Midoobay ee Barnaamijka Cuntada Adduunka ee Gaza oo la daabacay 7dii Disembar, taasoo lagu ogaaday in 9 ka mid ah 10 qoys ee waqooyiga Gaza ku sugan iyo 2 ka mid ah 3-da qoys ee koonfurta Gaza ku nool ay ugu yaraan hal maalin iyo habeen buuxa ku qaateen cunto la’aan.

Related posts

Saraakiil ka tirsan ciidanka Somaliland oo Weerar lagu dilay & Muuse Biixi oo si kulul uga hadlay

Caydiid Ali

(Akhriso) Dowlada Somalia oo War ka soo saartay qaraxii galabta ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo xilal u Magacaabay Masuuliyiin cusub (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---