Allbanaadir.com
NEWS

Aadan Madoobe oo gaaray Baydhabo & Xog ku aadan ujeedka safarkiisa (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Aadan Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan Maamulka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Guddoomiyaha inta uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo waxaa uu kulamo la qaadan doona madaxda maamulka iyo bulshada, si uu ugu dhiirageliyo dagaalka lagula jiro alshabaab

Sidoo kale waxaa uu indha-indheyn doona xaaladaha guud ee deegaanka sidoo kale waxaa uu ka qeyb gali doonaa Munaasabada sanadguurada shanaad ee maamulka Madaxweyne Laftagareen oo habeen dambe ka dhaceysa halkaas.

Related posts

Prof. Saciid Ciise” Somalia dowladnimo uma diyaarsaneyn 1960, welina diyaar uma aha”

Caydiid Ali

Wadahadal u furmi lahaa Maraykanka & W/Kuuriya oo daqiiqadii u dambeysay fashilmay

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo gaaray Hobyo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---