Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka XDS oo hal arrin uga digay shacabka ku nool Sabiid & Caanoole (Sawirro)

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo  ka sameeyay deegaano ka tirsan gobalka Shabeelaha Hoose.

Ururka 143aad Guutada 14 October  ee Ciidanka Xoogga dalka  ayaa howlgalo Bulshada looga wacyigelinayo al-shabaab ka sameeyay degaanka Sabiid & Canoole iyo Tuulooyinka Hoostaga

Taliyaha Ururka 143aad Guutada 14 October  ee Ciidanka  xoogga dalka  Gaashaanle Axmed Xasan Siyaad oo Goob Fagaare ah kula hadlay Boqolaal Shacab ayaa uga digay inaysan la shaqeyn Al-sahaab ayna Ciidanka u soo gudbiyaan xogta wax uu ugu yeeray Nabadiidka si looga hortago buu yiri dhagarta ay maleegayaan.

Gaashaanle Axmed Xasan Siyaad  ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka Xoogga dalka ay habeen iyo maalin diyaar u yihiin badbaadinta Nafta iyo hantida shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Fariisimaha ku leh Degaanka Sabiid & Caanoole ayaa lagu Amaanay Kaalinta wanaagsan ay kaga Qeyb qaateen howgalada ka socda Gobolka Shabellaha Hoose.

Related posts

Faahfaahin: Duqeymo culus oo ka dhacay degmooyin ay gacanta ku hayso Al-Shabaab

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo saaka mar kale weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday degaanka Qaayib

Caydiid Ali

Dowlad howlgelisay 100 kun oo askari, sababo la xiriira bandowga COVID-19

Caydiid Ali
Taboola Ads ---