Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo duqeysay qunsuliyada France ee Gaza iyo cambaareyn ka dhalatay

Shaqaale ka tirsan qunsuliyadda Faransiiska ee magaalada Qaza ayaa u dhintay dhaawacii soo gaaray ka dib weerar cirka ah oo Israel ay geysatay, sida ay sheegtay Wasaaradda arrimaha dibadda Faransiiska Sabtidii.

Qofka shaqaalaha ah oo aan wasaaraddu magacaabin, waxa uu ka shaqaynayey qunsuliyadda tan iyo 2002.

“Faransiiska ayaa cambaareeyey weerarkii ka dhacay dhisme ay daganaayeen oo ku yaalla Gaza, kaasoo sababay dhimashada dad badan oo rayid ah. Waxaan ka dalbaneynaa maamulka Israel inay si buuxda u fahafaahiyaan sababaha duqeyntan, sida ugu dhaqsaha badan,” ayaa lagu yiri hadalka Wasaaradda.

Axaddii, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska Catherine Colonna ayaa sheegtay in ay u joogtay Tel Aviv si ay ugu nuux-nuuxsato muhimadda ay leedahay badbaadinta rayidka  iyado sidoo kale muujinayso garab istaagga France ee Israa’iil ka dib weeraradii Oktoobar 7.

Faransiiska ayaa ka walaacsan xaaladda naxdinta leh iyo musiibada ah ee ka jirta dhulka Gaza” ee sii qoto dheereysa, Israa’iilna waxay ugu baaqday inay aqbasho xabbad joojin si loo fududeeyo sii deynta la haystayaasha iyo qaybinta gargaarka.

Related posts

Garsoore uu magacaabay Trump oo ka fajiciyey Xubnaha Senateka Maraykanka

Caydiid Ali

RW Rooble oo si kulul uga hadlay qaraxii ismiidaaminta ahaa caawa ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Daawo: Maxay aheyd sababtii uu ALLE cudurka ugu imtixaanay Nebi Ayuub CS?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---