Allbanaadir.com
NEWS

Xeer Ilaalinta Qaranka oo War kasoo saartay xariga loo geestay Bishaaro Balaayo

War kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in iyaga oo gudanaya waajibkooda ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ay soo xeray Bishaaro Idiris Maxamed oo loo yaqaan Balaayo.

Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa ku eedeysay gabadhan caanka ka ah baraha bulshada in maalmahii lasoo dhaafay barta Tiktok ku baahineysay muuqaalo anshax-xumo ah oo aay aad u dhibsadeen bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maanta horgeeyay Maxkamadda gobolka Banaadir eedeysane Bishaaro Idiris oo ay soo xereen ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana lagu soo eedeeyay In ay ku xad-gudubtay anshaxa iyo dhaqanka.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in uu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono cid walba oo lagu helo ayada oo sameyneysa wax lid ku ah dhaqanka suuban  iyo anshaxa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaar kamid ah Xisbiyada ka jira Puntland oo taageeray rabitaanka Madaxweyne Deni

Cabdi Cade

Muxuu yahay heshiiska caawa lagu kala saxiixday Xafiiska RW Xamse? (Sawirro)

Caydiid Ali

Dad isku qoys ahaa oo ku naf waayey madaafiic lagu weeraray degaanka Camaara

Caydiid Ali
Taboola Ads ---