Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Tirada shilalka gaadiidka ee sanadkan ka dhacay jidadka Muqdisho oo la shaaciyey

Magaalada Muqdisho waxaa sanadkan sii dhamaanaya laga diiwaan geliyay inay ka dhaceen ku dhawaad kun shil gaadiid.

Taliyaha Ciidanka nabadgelyada jidadka ee taraafikada Gen. Axmed Xasan Maalin oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 875-shil ay Muqdisho ka dhaceen 9-kii bilood ee la soo dhaafay kuwaasoo 625-ka mid ah ay sababeen Mootooyinka Bajaajka.

Gen. Axmed Xasan Maalin ayaa sheegay in wadayaasha mooto Bajaajta oo aan lahayn khibrad darawalnimo ay keentay inay bataan shilalka ka dhaca magaalada.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa dhowaan soo saaray amar dekeda Muqdisho looga mamnuucay muddo labo bilood ah in laga soo dejiyo mooto bajaaj cusub, sababo la xiriira mootooyinka bajaajka oo magaalada ka batay iyo khal khal amni oo ka dhashay.

In ka badan 23 kun oo mootooyinka bajaajka ayaa la sheegay iney ka shaqeeyaan magaalada Muqdisho, iyadoo 5tii gaadiid ah ee maraya jidadka magaalada afar ka mid ah ay yihiin mooto bajaaj sida ay sheegeyso daraasad dhowaan la sameeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble oo Gudoomiyay Shir ay yeesheen Golaha Wasiirada DF & kuwa Galmudug (Sawirro)

Cabdi Cade

Qisada Waaya’aragii Nololeed ee Qoraa Marxuum Abdullahi Sheegow.

Cabdi Cade

Kulan xasaasi ah oo Asmara ku dhax maraya Madaxda Soomaaliya, Masar iyo Eritrea

Cabdi Cade
Taboola Ads ---