Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo Dhiiro-geliyay Ciyaartoyda maamulka Jubbaland matelaya (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa saaka qureec sharafeed xarunta Madaxtooyada ugu sameeyay xidigaha xulka kubada cagta maamulka Jubaland.

Madaxweynaha ayaa masuuliyiinta Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo xiriirka kubada cagta ka dhagaystay shaqooyinkii baaxad lahaa ee bilihii lasoo dhaafay ay wadeen iyo diyaar garowga xulka kubada cagta ee ciyaaraha Dowladaha xubnaha ka ah JFS ee dhawaan bilaabanaya.

Madaxweynaha ayaa guul u rajeeyay xulka isagoo sheegay in ay garab taagan yihiin dhammaan shacabka iyo dowlada Jubaland isla markana ay rajo weyn ka qabaan in guul weyn ay soo hoyin doonaan.

Ciyaaraha dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in 29-ka bishan ka bilowdo magaalada Muqdisho, waxaana sannadkan ciyaaraha ka maqan oon ka qeyb galeyn maamulka Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booqashada Farmaajo ee Hargeysa, Bilowga, Dhamaadka Gooni-isu-taaga Somaliland!

Cabdi Cade

Fadeexada Qatar-gate ee ka taagan Baarlamaanka Yurub oo weji kale yeelatay

Caydiid Ali

Madaxweyne Xassan Shiikh oo goor dhow u dhoofay Magaalada Addis ababa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---