Allbanaadir.com
NEWS

Jaaliyadda Beesha Karanle ee London oo ka digtay Dhul boob ka socda Dayniile (Daawo)

Xubno ka tirsan Jaaliyadda Beesha Karanle ee Magaalada London ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Waxaa kulankan looga hadlay sidii looga hortegi lahaa dhul boob ay sheegeen inuu ka socdo degmada Dayniile gobolka Banaadir.

Falkan dhul boobka ah ay wadaan masuuliyiin xilal haya oo adeegsanaya shaati dowladeed, kuwaasoo lagu eedeeyey iney u awood sheeganaya shacabkii lahaa dhulkaas.

Xubnaha ka qeyb galay kulan ayaa baaq u diray Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir, iyagoo ka dalbanaya iney wax ka qabtaan dhul boobka ka socda degmada Dayniile iyo dulmiga lagu hayo shacabkii lahaa dhulalkaas.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA KULANKA

Related posts

Farmaajo iyo Rooble oo ku howlan qorsheyaal isdiidan oo halis ah & walaac ka dhashay

Caydiid Ali

Dowlada oo faah faahisay khaladaadka uu galay iyo sababta dalka looga eryay Nicholas Haysom 

Cabdi Cade

Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Caddaaladda iigu hiilli !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---