Allbanaadir.com
NEWS

Milateriga Israel oo sheegay iney heleen Godka ugu weyn Xamaas ee Gaza (Sawirro)

Ciidamada Difaaca Israel ayaa ku sheegaya inay heleen tunelka ugu weyn ee Xamaas ee Gaza oo dhererkiisu yahay afar kiilomitir (qiyaastii 2.5 mayl).

Saraakiisha ciidanka waxay intaas ku dareen in tunelkan oo la helay dhawr toddobaad ka hor balse la soo bandhigay maanta uu u balacsan yahay in lagu kaxeeyo baabuur weyn, oo gaaraya Ilaa 50 mitir dhulka hoostiisa oo uu ku qalabaysan yahay koronto, hawo iyo isgaarsiin.

Uma soo gudbo godkaas Israa’iil balse waxay ku dhammaataa 400 mitir ka hor marinka Erez ee hadda xiran ee xadka Israa’iil iyo Gaza, sida ay sheegtay Israel.

“Tunelka ama godka waa qayb ka mid ah kaabayaasha istaraatiijiga ah ee Xamaas waana la burburin doonaa” ayaa lagu yiri war ay soo saartay Israel.

Fiidiyow ay wadaageen IDF, millatariga Israel waxay ku andacoodeen in tunnel-ka loo sameeyay dhaq-dhaqaaqa ciidamada Xamaas iyo inuu yahay bar laga soo bilaabo weerarada.

Godkan ayaa dhaliyey su’aalo cusub oo ku saabsan sida ilaalada Israa’iil ay u seegtay diyaargarow muuqda oo ay Xamaas u diyaarinaysay weerarrada ay ku qaadeen 7-dii Octoobar

Milatariga Israel, sirdoonka iyo saraakiisha siyaasadda ayaa la kulmay dhaleecayn culus oo ku aadan inay ku guuldareysteen inay ogaadaan weerarka ka hor.

Maj. Nir Dinar oo ah Afhayeenka militariga, ayaa sheegay in laamaha amniga Israel aysan ka warqabin tunnelka ka hor 7-da Oktoobar sababtoo ah difaaca xuduudaha ee Israel ayaa kaliya ogaaday tunnel-ka loogu talagalay in lagu galo Israel.

Weerar aan horay loo arag oo ay israel ku qaaday Gaza ayaa dhaliyay dagaal ba’an oo socday in ka badan 10 toddobaad wuxuuna galaafatay nolosha in ka badan 18,000 sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka Falastiin.

 

 

Related posts

Trump oo lagu eedeeyey inuu maleegayo qorshe lagu dilayo Madaxweyne caan ah

Caydiid Ali

Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo laamigii ugu horeeyey la saaray (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlad shaacisay iney ka baxday urur goboleedka IGAD & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---