Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Anita Kiki Gbeho oo dal kale loo wareejiyey & Aadan Madoobe oo sagootiyey (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan sagootin ah kula qaatay Ku-xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho.

Guddoomiyaha ayaa Ku-xigeenka QM ku ammaanay intii ay Xafiiska joogtay Shaqooyinkii muhiimka ahaa ee ay dalka u qabatay.

Waxaa uu ku boggaadiyay,  taageerada QM ee Soomaaliya ay siiso, oo ay ugu horreeyaan arrimaha dib u heshiisiinta, la dagaallanka kooxda alshabaab iyo kaalmeynta arrimaha bini’aadanimada.

Xoghayaha guud ee QM ayaa dhowaan Anita Kiki Gbeho u magacaabay eryagiisa gaarka ahee dalka Koonfurta Sudan, halkaasoo ay dhowaan shaqadeeda ka bilaabeyso.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 6-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, oo ka qabsoomay xarunta guddiyada iyo guddoonka ee Villa Hargeeysa.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo dhammaan xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, waxaana looga hadlay ajandeynta Kalfadhiga Afaraad ee Golaha Shacabka BJFS, iyadoo Xildhibaannadu kaga doodeen sida ugu habboon ee Golaha loo hor keeni lahaa ajandayaasha cusub ee muhiimka u ah geedi socodka dowladnimadda dalka.

Related posts

Xog xasaasi ah oo lagala baxay Kombiyuutarada laga Maamulo Nuclearka dalka..

Caydiid Ali

Dowladaha Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo Arrimo Muhiim kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Xaaf oo ciidamo dhigay garoonka Dhuusamareeb & dayuuradii siday Wasiir Sabriye oo..(Sawirro)

Caydiid Ali