Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka Xoogga dalka oo si buuxda loogu wareejiyey amniga Villa Somalia (Sawirro)

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay amniga guud ee Madaxtooyada, kaddib 16 sano oo walaalaha Ciidamada Afrika ee AMISOM ay door ku lahaayeen sugidda amniga Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabad ku qabsoomtay Villa Soomaaliya oo ay ka qeyb-galeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf iyo Wakiillada Midowga Afriga iyo Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyey Guutada 77-aad ee Xoogga Dalka la wareegidda masuuliyadda amniga Madaxda dalka ayaa tilmaamay macnaha ay leedahay tallaabadan oo ka tarjumeysa dib u soo laabashada cududda iyo awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh ayaa kormeeray Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada oo u soo bandhigay sida ay ugu diyaarsan yihiin sugidda amniga Madaxda dalka, waxa uuna u mahadceliyey saraakiisha iyo askarta ATMIS ee sanaddada badan ku gacansiinaysa sugidda amniga hoggaanka dalka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo Amarro cusub dul dhigtay Imaamyada Masaajida iyo Shacabka (Akhriso)

Cabdi Cade

Daawo Sawirro laga soo qaaday goobihii ay ka dhaceen qaraxyadii ka dhacay Baledweyne

Cabdi Cade

Al Bashiir xaguu ka helay Lacagta Malaayiinta Dollar ee laga helay gurigiisa ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---