Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo bur buriyay diyaarad sahay iyo qalab u siday kooxda PMC Wagner

Diyaarad Xamuul oo nooceedu ahaa Ilyushin Il–76 ayaa la duqeeyey, xilli ay ku sugnayd Saldhiga Ciiddanka Cirka ee Al-Jufra Airbase ee W/Bari ee dalka Libya.

Ilo-wareed Libyan ah oo la hadlay Wakaallada Wararka Talyaaniga ee The Italian Nova News Agency ayaa sheegay in Duqeyntaasi geysatay Diyaarad Daroon oo lagu leeyahay Maraykanka ama Daroon nooca Is-qarxinta (A suicide drone).

Waxaa kale oo Duqeyn lala beegsaday xubno la hawl-gala Calooshood-u-shaqaystayaasha Wagner Group oo ku sugnaa meel ku dhow Degmadda Zallah oo qiyaastii 7 KM dhanka Bari kaga toosan magaalladda Al-Jufra.

Wakaallada Wararka Talyaaniga ee Nova news agency waxay qortay in Diyaaradda la burburiyey ay ka soo ambabaxday Saldhig ay Ciiddanka Raashiya ku leeyihiin magaallada Latakia ee dalka Syria.

Diyaaradda la burburiyey waxayy waday shixnad Qalabka Isgaarsiinta Milliteriga ee lagu carqaladeeyo ama Tashwiishka lagu geliyo Qalabka Isgaarsiinta ee caddowga ( jamming devices – electronic devices designed to confuse enemy receivers).

Qalabkaasi waxaa loo waday Ciiddanka cusub ee Milliteriga Raashiya ee Wagner Group ee ku sugan qeybo ka mid ah dalalka Afrika.

Qeybo ka mid ah Qalabkaasi waxay ku wajahnaayeen dalka Libya, halka qeyb kalena loo waday dalka Sudan oo loo sii marsiin lahaa Saldhiga Ciiddanka Cirka ee The Unn Al-Jaras oo ku yaalla dalka Chad.

Si kastaba, Ururka Sirdoonka Furan ee Ekad ayaa waxay bishan December 12-dii soo bandhigeen Muuqaalka Diyaaradaasi oo lagu qaaday dhanka Dayax-Gacmeedka oo muujinaya burburka Diyaaradda shixnadda Milliteri geysay dalka Libya.

W/T Ustaad Nuradin Abuukar

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Muqdisho oo saakay wax badan ka badelan sidii hore

Cabdi Cade

Madaxda DF iyo kuwa Dowlad Goboleedyada oo shir degdeg yeelanaya iyo ajandaha Shirka oo..

Cabdi Cade

Dowlada Itoobiya oo gudbisay warqad dacwad oo ka dhan ah Tedros Adhenom

Cabdi Cade
Taboola Ads ---