Allbanaadir.com
NEWS

Shir lagu soo bandhigayay qorshaha Wada-xaajoodka iyo kahor taga Saboolnimada oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay shir lagusoo bandhigayay qorshaha wada-xaajoodka iyo ka hor-taga saboolnimada qaybaheeda kala duwan.

Shirka ayaa looga hadlay hannaankii looga loo yarayn lahaa saboolnimada iyo faqriga, iyadoo lagu jaangoynayo qorshaha Xukuumadda #DanQaran ee yaraynta saboolnimada iyo faqriga.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyay madasha ayaa xusay muhiimadda qorshahani u leeyahay dadka Soomaaliyeed oo aan warbixinno sugan laga hayn heerka saboolnimada ee dhinacyada badan leh.

Shirka oo ay soo agaasintay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa waxa qayb ka ahaa hay’adaha Soomaaliya ka taageera arrimaha bani’aadantimada iyo ka hortagga yaraynta saboolnimada.

Related posts

Rooble oo bilaabay dadaalo xal loogu raadinayo Khilaafka u dhaxeeya Guddiga Doorashada ….

Cabdi Cade

Kenya oo dejisay Qorshe nuuc cusub ah oo ay uga hortagayaan weerarada Al Shabaab

Cabdi Cade

Nin Burka lagu iibiyo Dukaamada Sakiin iyo masaabiir gelin jiray oo Xukun lagu riday.

Cabdi Cade
Taboola Ads ---