Allbanaadir.com
NEWS

Deni iyo kuxigeenkiisa oo Siyaabo kala duwan ula kulmay Dagnachew Yitberke (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Qunsulka Itoobiya u jooga  Puntland Dagnachew Yitberke iyo Saraakiil ka tirsan qunsuliyada.

Siciid Deni iyo Qunsulka ayaa kawada hadlay arrimo dhowr ah ay kamid yihiin xiriirka Puntland iyo Itoobiya iyo sidoo kale diyaar garowga loogu jiro doorashada Puntland ee la filayo in ay dhacdo.

Madaxweyne Deni ayaana Qunsulka Itoobiya u jooga Puntland warbixin ka siiyay diyaar garowga loogu jiro doorashada dhaceysa bisha Janaayo iyo sidoo kale ammaanka guud ee deegaannada Puntland.

Dhinaca kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Karaash ayaa qaabilay Qunsulka Itoobiya ee Puntland Mr Dagnachew Yitbarak, u qaybsanaha Arrimaha ciidanka ee qunsuliyada Itoobiya Col Maxamed Axmed iyo xubno kale.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee dhanka Amaanka, la-dagaalanka kooxaha Argagixisada ah iyo sidii qorshe midaysan looga yeelan lahaa wax kasta oo liddi ku ah xasiloonida iyo nabadgelyada.

Kulankan Qunsulka Itoobiya u jooga Puntland la qaatay madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa ayaa imaanaya xilli labada masuul ee ugu sareeya Puntland uu ka dhaxeeyo khilaaf ka dhashay doorashada Puntland iyo nidaamka loo qabanayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

C/raxmaan C/shakuur oo ka hadlay sababta uu ku diiday madasha xisbiyada Qaran

Caydiid Ali

Qoys ku eedeysan maalgelinta Al Shabaab oo xukunno adag lagu riday

Cabdi Cade

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo la kulmay una Mahad celiyay Mehmet Yilmaz (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---