Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

Qarax nuuca gaadiidka hoosta looga soo xiro ayaa ka dhacay Isgooska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan ay waxyeelo kasoo gaartay dadkii la socday gaariga qaraxa lagu soo xiray.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa uu dhacay xili uu gaariga socday, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay labo ruux oo la sheegay in gaariga la socdeen xiliga uu qarxayay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaariga qaraxa lagu soo xiray uu lahaa masuul katirsan maamulka Galmudug inkastoo aan wali la ogaan magaciisa iyo waxa uu ka yahay maamulka Galmudug.

Qaraxyada gaadiidka lagu soo xiro ayaa inta badan ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyadan khasaaro xoogan gaarsiiyaan dadka la socda gaariga lagu soo xiro gaar ahaan darawalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni iyo Guddoomiye Mursal oo caawa ku kulmay Garoowe (Sawirro)

Caydiid Ali

Midowga Yurub oo shaaciyey inuu dacwad ku soo oogayo dowlada Britain

Caydiid Ali

Dowlada oo Shaacisay in ku dhawaan 100-askari lagu qabtay dagaalkii Balad Xaawo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---