Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada Puntland ayaa maanta si rasmi ah ugu shaqo bilaabay xarunta golaha Wakiillada Puntland, kaddib markii xaruntaasi xalay la wareegeen ciidamo ka ammar qaata madaxweyne Siciid Deni.
Qoraal kasoo baxay guddiga xalinta khilaafaadka doorashada uu dhawwaan magacaabay madaxweyne Saciid Deni ayey ku shaaciyeen shuruudaha laga rabo xubnaha doonaya in ay kamid noqdaan golaha cusub ee Wakiillada Puntland.
Guddiga ayaana qoraalkooda ku sheegay in maanta oo Axad ah ay bilaabatay qabashada araajida musharaxiinta u taagan kamid noqoshada golaha Wakiillada Puntland, waxa ayna araaji qabashada ku egtahay 25-ka bishan December.
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaana kasoo horjeeda guddigan uu magacaabay madaxweyne Deni ee loogu tala galay xalinta khilaafaadka iyo ansixinta golaha Wakiillada, waxa ayna sheegeen in guddigan yihiin kuwa uu Deni kaligiis soo xushay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com