Siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeeda madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si weyn uga soo horjeeda tallaabada ciidamada PMPF kula wareegeen xarunta golaha Wakiillada Puntland.
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa la sheegay in ciidamada PMPF ku amray in ay la wareegaan ammaanka xarunta golaha Wakiillada Puntland , si halkaasi ugu shaqo bilaabaan guddiga xalinta khilaafaadka iyo xulista golaha cusub ee Wakiillada.
Siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood oo si weyn uga soo horjeeda tallaabada uu qaaday madaxweyne Deni ayaa saakay shir ku leh magaalada Garawe, waxa ayna si adag uga soo horjeesan doonaan ciidamada xoogga kula wareegay xarunta golaha Wakiillada.
Qaar kami ah siaasiyiinta mucaaradka ayaa sheegay in madaxweyne Siciid Deni uu mar kale doonayo in uu boobo doorashada uuna soo saarto xildhibaanno cusub oo isaga u daacad ah, taas oo ay sheegeen in mar kale horseedi karto khalalaase.
Baarlamaanka Puntland ayaa sameestay muddo kordhin hal sanno ah, waxa ayna sheegeen xildhibaannada in ay sii shaqeyn doonaan muddo sannad ah ayna dooran doonaan madaxweynaha iyo kuxieenkiisa, taas uu diidan yahay madaxweyne Deni.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com