Allbanaadir.com
NEWS

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Boqor Salmaan Bin Abdulaziz Al Saud

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta qasriga boqortooyada kula kulmay boqorka dalka Sucuudiga, Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud.

Ra’iisul wasaare Khayre iyo Boqor Salmaan ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sucuudiga, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasaddaa.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale kulamo la qaadanaya madaxda Bangiga horumarinta Islaamka oo ay ka wada hadlayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, maal-gelinta iyo dib-u-habaynta ballaaran ee lagu sameeyay hannaanka maamulka maaliyadda dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiye Yariisow oo xalay saqdii dhexe kormeeray fariisimaha ciidamada ee Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo War ka soo saartay dagaal ka dhacay..

Caydiid Ali

Laami cusub oo la saarayo waddo ku taalla Muqdisho & Cumar Filish oo kormeeray (sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---