Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mareykanka & Israel oo xabad joojin doonaya iyo Xamaas oo shuruudo adag ku xirtay

Agaasimaha waaxda sirdoonka ee Mossad ee Israel, David Barnea ayaa la filayaa inuu dhamaadka usbuucan la kulmo ra’iisul wasaaraha Qatar oo ku sugan Yurub si ay u sii wadaan wadahadalada ku saabsan soo deynta la haystayaasha ee Xamaas.

Kulanka la sheegay ayaa yimid ka dib markii Israa’iil ay baajisay safar Barnea la rabay in uu ku tago Doha horaantii todobaadkan si dib loogu bilaabo wadahadalka sii deynta maxaabiista iyo xabad joojin cusub oo KMG ah

Kulankan ugu dambeeyay ayaa la qorsheeyay ka hor intaysan ciidamada difaaca Israa’iil si shil ah ugu dilin magaalada Gaza Jimcihii saddex lahayste oo Israa’iili ah, balse dhacdadaas ayaa la sheegay iney sii kordhisay xaalad degdeg ah wada-hadallada

Sarkaal Israa’iili ah ayaa CNN u sheegay in golaha wasiirrada dagaalka ee waddanku ay dareemeen xaalad aysan sax ahayn” inay isku dayaan inay dib u bilaabaan wadahadallada. Qatar iyo Maraykanka ayaa ka shaqaynayay sidii ay dib u soo noolayn lahaayeen wada xaajoodyada, iyadoo la soo jeediyay hindiseyaal cusub oo lagu sii dayn lahaa in ka badan 100 ka mid ah la haystayaasha Gaza.

Xamaas ayaa markii ay burburtay xabad joojintii hore ee lagu sii daayey  maxaabiista waxay sheegtay ineysan aqbali doonin xabad joojin kale oo KMG ah, ayna heshiis noocaas ah geli karaan oo kaliya hadii uu yahay mid lagu soo afjarayo dagaalka laguna sii deynayo kumamaanka maxaabiista falastiiniyiinta ee ku jirta xabsiyada Israel.

Related posts

Musharax Khayre oo hal arrin ku amaanay Raisul Wasaare Rooble, kuna baaqay..

Caydiid Ali

Xog ku aadan Kulan Xasaasi ah oo dhax maray Rooble iyo Odayaasha Beesha degta Gedo

Cabdi Cade

Dowlada oo amarro culus oo is qilaafsan kasoo saartay COVID-19 shegtayna in la joojiyay waxyaabo badan !!

admin
Taboola Ads ---