Waxaa la xaqiijiyay geerida Amiirkii dalka Kuwait Sheekh Nawaf Al-Axmed Al-Sabah, waxaana guud ahaan dalkaasi shidaalka qaniga ku ah ka bilaabatay baroor-diiq ku aadan geerida amiirkooda.
Talefishinka dalka Kuwait ayaa xaqiijiyay geerida Sheekh Nawaf Al-Axmed Al-Sabah, waxaana bayaan laga sii daayay telefishinka lagu sheegay in maanta dadka Kuwait u tahay maalin murugo oo ay waayeen Amiirkooda qaaliga ahaa.
Qaar kamid ah madaxda Carabta iyo kuwa caalamka ayaa dhambaallo tacsi ah u diray dowladda Kuwait, waxa ayna uga tacsiyadeeyeen geerida naxtinta leh ee maanta ku timid Amiirkooda.
Sheekh Nawaf Al-Axmed Al-Sabah oo sannadkii 2006-dii noqday Amiir ayaa talada dalka Kuwait la wareegay sannadkii 2020-kii , waxa uuna xilka kala wareegay walaalkiis  Sheekh Al-Axmed Al-saba.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com