Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday labo nin oo lagu helay in ay katirsanaayeen kooxda Al Shabaab, kuwaa oo lagu qabtay bambaanooyinka nuuca gacanta laga tuuro.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Cabdiqani Aadan Cali (Cilmi) iyo Axmed Cali Diiriye (Macalim Axmed) oo lagu helay in ay katirsan yihiin Daacish, waxaana xubnahan lagu qabtay bambooyin iyo agabyo kale.
Howlgal ay wadeen ciidanka ammaanka ayaa 16-kii October ee sannadkan waxa ay ku qabteen Cabdiqani Aadan xilli uu watay Bac ay ugu jireen labo xabo oo nuuca bambaano F1 ah uu ku wareejin rabay saaxiibkiis Axmed Cali Diiriye.
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku Xukumay, Cabdiqani Aadan Cali (Cilmi) iyo Axmed Cali Diiriye (Macalim Axmed) min Sideed sano oo xabsi ciidan ah.
Maxkamadda ciidamada qalanka sida ayaa xukunno kala duwan oo isugu jira dilal iyo xabsi ciidan ku riday xubno badan oo katirsanaa kooxda Al Shabaab iyo Daacish, kuwaa oo lagu helay qaarkoodin dilal iyo qaraxyo geesteen halka kuwa kalana lagu helay dambiyo kale.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com