Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Gor Gor oo howlgal bur burin ah ka sameeyeen deegaan Al Shabaab joogeen

Ciidanka kumaandooska Gorgor oo garab ka helayay ciidanka deegaanka ayaa howlgal bur burin ah ka sameeyay deegaanka Baraag Cali Gaduud oo kuyaalla Koonfurta Magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Sida aan wararka ku helnay ciidanka ayaa howlgal ka fuliyay deegaankan qeybo kamid ah oo la sheegay in ay joogeen xubno katirsan Al Shabaab , waxaana halkaasi isaga firxaday xubnihii Al Shabaab katirsanaa sida saraakiisha ciidanka sheegeen.

Taliyaha ururka saddexaad ee Gorgor dhamme Cali Axmed Xaanshi ( Cali Cagey) oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in cagta mariyeen saldhigii Al Shabaab joogeen, waxa uuna xusay in howlgalka khasaaro lagu gaarsiiyay Al Shabaab.

Deegaankan ciidanka dowladda maanta howlgalka ka fuliyeen ayaa maalmo kahor waxaa duqeymo culus ku garaacay diyaarado garab siinayay ciidanka dowladda, waxaana weerarkaasi la sheegay in Al Shabaab jab xooggan lagu gaarsiiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka G/Banaadir oo gabay Shaqadiisa iyo shacabka Muqdisho oo isku tashaday (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Biden oo dhibco badan looga helay dood adag oo dhexmartay Trump

Caydiid Ali

Saraakiil katirsan Ciidamada ATMIS oo shaqada looga eryay Fuleynimo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---