Wasiirkii Qorsheynta maamulka Puntland Maxamed Sciid Faroole ayaa qoraal uu goordhaw soo saaray ku shaaciyay in gabi ahaan uu iska casilay ka mid ahaanshihii Xisbiga KAAH uu hoggaamiyo madaxweyne Siciid Deni.
Waxa uu sheegay wasiirka in uu isaga baxay xisbiga KAAh kaddib markii uu ka xumaaday in in uu Xisbiga ku guuleysan waayey dhamMaan mabaa’diidii iyo siyaasadihii uu kaga mid noqday .
Wasiirka ayaana qoraalkiisa ugu mahad-celiyay madaxweynaha Puntland oo ahaa aas aasaha iyo hoggaamiyaha xisbiga KAAH, waxa uu sidoo kale u mahad-celiyay xubnaha kale ee xisbiga ay sida dhaw u wada shaqeeyeen.
Maxamed Sciid Faroole ayaa raali-gelin u diray shaqsiyaad iyo shacabka Puntlkand uu sheegay in dhibane u noqdeen go’aamadii iyo qorshayaashii Xisbiga KAAH fulinayey intii uu wasiirka ka midka ahaa.
”Waxaan raali-galinayaa dhamaan shakhsiyaadkii iyo shacabkii dhibanayaasha unoqday go’aamadii iyo qorshayaashii Xisbiga KAAH fulinayey intii aan ka midka ahaa. Si gaar ah waxaan cafis uweydiisanayaa shacabka 3-da degmo ee gobolka Nugaal ee isdiinwaan-galiyey oo aan hagranay kuna guul-daraysanay in aan doorasho uqabano” ayuu yiri Faroole.
Wasiirka ayaa ugu dambeyn ugu baaqay hoggaanka xisbiga KAAH xilkasnimo, iscafis iyo Isfahan deg-deg ah iyo inay siwada-jir ah isugu xilsaaraan in si xasiloon oo raali la’isaga yahay doorasho loo qaban lahaa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com