Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Soomaaliya oo saxiixay axdiga ka mid noqoshada ururka EAC

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Entebbe ee dalka Uganda ku saxiixay heshiiska ku biiritaanka Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyay munaasabadda saxiixa heshiiska ku biiritaanka Soomaaliya ee Dallada Bulshada Rayidka ayaa sheegay in Soomaali ku faraxsan tahay in ay kamid noqoto Dalladaasi ayna rejo ka qabaan in wax badan ka faa’iidaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dedaal badan ku bixisay sidii ay uga mid noqon laheyd Dallada Bulshada Bariga Afrika, waxa ayna Dalladan ganacsatada Soomaaliyeed ka heli doonaan faa’iidooyin ay ugu horeeyaan in ganacsiyo ka sameestaan dalalka ku mideysan Dalladan.

Soomaaliya ayaa noqotay dalkii 8-aad ee xubin ka noqda ururka EAC, waxayna ku biireysa Burundi, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uganda, aiyo Tanzania.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

 Ra’iisul wasaare Cabdalla Xamduuk oo goordhaw ka bad baaday Weerar lagu dili rabay

Cabdi Cade

Daawo Sawiro: Sida Garoowe looga diyaar garoobay soo dhoweynta Madaxweyne Farmaajo

Caydiid Ali

COVID-19: Argagax ka taagan Maraykanka & dhimashada oo tiro beeshay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---