Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo Cadaado ka dhaceysa iyo Cali Gacal oo ka hadlay

Magaalada Cadaado oo xarun u ah garab kamid ah maamulka is khilaafsan ee Galmudug ayaa waxaa ka socda qaban qaabada Doorasho la sheegay in lagu dooranayo Madaxweynaha maamulkaasi.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ee dhawaan la sheegay in xilka laga qaaday Cali Gacal Casir ayaa sheegay in ay socdaan diyaar garow ku aadan doorashada Madaxweynaha Galmudug kadib markii Xildhibaano Cadaado ku shiray xilka ka tuureen Madaxweyne Xaaf.

Waxa uu sheegay Cali Gacal Casir in Warbaahinta dhawaan usoo bandhigi doonaan guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo sidoo kale Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Baarlamaanka.

Doorashadan la filayo in ay ka dhacdo magaalada Cadaado ayaa kusoo aadeysa xili shalay magaalada Dhuuso Mareeb lagu doortay Gudoomiye Baarlamaan ,kadib markii ay xilka ka qaadeen Xildhibaanada jooga Dhuuso Mareeb Gudoomiyihii Baarlamaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliska DF oo lagu wareejiyey bur dhacay oo laga soo dejiyey dekeda Muqdisho

Caydiid Ali

Dil caawa ka dhacay Magaalada Boosaaso & howlgalo ka socda

Caydiid Ali

Putin oo Casuumaad u fidiyey Madaxweyne caan ah oo xalay uun loo dhaariyey Xilkaasi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---