Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Dowladda oo soo bandhigay Sargaal kooxda Al Shabaab u qaabilsanaa xuuraanka

Ciidanka Nabad sugida iyo sirdoonka maamulka Koonfur Galbeed ayaa magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool kusoo bandhigay nin oday ah oo la sheegay in uu kamid ahaa saraakiisha Al Shabaab u qaabilsan xuuraanka ama wax basaasida.

Axmed Mursal Maxamed oo loo yaqaano (Qulaan) ayaa saraakiisha Nabad sugida sheegeen in uu Al Shabaab u qaabilsanaa in uu dadka u basaaso, waxa uuna ninkan go’aansaday in uu ka baxo kooxdii uu katirsanaa iskuna dhiibo ciidanka dowladda.

Ninkan ayaa la sheegay in Al Shabaab ku biirey sannadkii 2010 , waxa uuna ka hawlgalayay degmooyinka iyo deegaanada gobolka Bakool, isaga oo ka qeyb-galay dagaalo dhowr ah, waxa uu sidoo kale horjooge u ahaa koox jidgooyo dhigta jidadka gala Xudur.

Wareysi uu ninkan kasoo goostay Al Shabaab siiyay warbaahinta dowladda ayuu ku sheegay in kooxdaasi uga soo tagay kala shaki dhaxdooda ah iyo in uu arkay in kooxdaasi diinta ka been sheegeyso.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan soo bandhigtay xubno katirsanaa kooxda Al Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda, waxaana xubnahan dowladda u gudbisay xarun loogu tala galay in lagu dhaqan-celiyo xubnaha soo goosta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) RW Rooble oo kulan xasaasi ah la qaatay Wakiilada beesha caalamka

Caydiid Ali

Xarunta Sare ee Luuqadaha iyo tababarada oo Muqdisho laga daahfuray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Banaan baxyo lagu taageerayo Alexei Navalny oo ka socda dalka Ruushka (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---