Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Kenya oo Shaacisay in shaqaale u direyso Sacuudiga iyo Madaxweyne Ruto oo…

Dowladda Kenya ayaa qorsheeneysa in Boqortooyada Sacuudiga u dirto kumanaan shaqaale ah oo dalkeeda u dhashay , kaddib heshiis ay gaareen maalintii Khamiista dowladaha Sacuudiga iyo Kenya.

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in Kenya ay heshiis ku gaartay in shaqaalo u dhashay dalkaas loo dhoofiyo dalka Sacuudiga, kuwaa uu sheegay in fursado shaqo ay ka heleen dalkaasi.

Sida ku cad heshiiska la gaaray Khamiistii, Kenya waxay u diri doontaa dalka Bariga Dhexe kuyaalla kalkaaliyayaal iyo shaqaale kale oo xirfadlayaal ah, iyadoo 2,500 oo shaqaale ah loo qorsheeyay in la geeyo dalka ugu horreeya oo ah Sucuudiga.

Dowladda Kenya ayaa dhawwaan sidoo kale shaacisay in shaqaale gaaraya  1,500 oo shaqaale ah u direyso dhulka Israa’iil, kuwaa ayaa ka shaqeyn doona dhinaca beeraha, waxaana shaqaalahan midkiiba mushaar ahaan u qaadan doonaa  $1,500.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Madaxweyne Deni oo kormeeray Xarumo & Suuqyo ku yaalla Boosaaso

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasab Sheekh oo la kulmay Waalidiin Carruurtooda Eritrea loo qaaday (Sawirro)

Cabdi Cade

Khilaaf hoose oo soo kala dhex galay Farmaajo & Fahad Yaasiin & Mucaaradka oo ka digay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---