Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo marayey duleedka xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab ee dalka Kenya ayey la kacday minada nooca dhulka lagu aaso ah.
Waxaa qaraxaas ku dhintay labo qof halka 5 kalena ay kudhawacmeen.
Labada qof ee dhintay ayaa waxay kala ahaayeen Aabe lagu magacaabo Ugas Amin Hassan Samatar iyo wiil uu dhalay oo gaariga wax ka saarnaa.
Dhaawaca 5ta qof oo qaarkood qaba dhaawacyo aad u daran ayaa la geeyay isbitaalka Magalada Dhadhaab sida wararku nagu soo gaarayaan.
Gaariga ayaa la sheegay iney miinadu kula kacday wadada isku xirta xerada Dhadhaab iyo degmada Mandhera, Booliska ayaana wada baaritaano la xiriira qaraxan oo loo maleynayo iney wadada dhigeen Al-shabaab oo dagaal kula jirta ciidamada Kenya.