Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya iyo Xiriirka K/Cagta ayaa wadajir u shaaciyey waqtiga rasmiga ah ee la qaban doono tartanka K/Cagta Gobolka Banaadir iyo Maamul Goboleedyada 2023-ka.
Sidoo kale waxaa kulankan lagu shaaciyey tirada kooxaha Rasmiga ah ee tartanka ka qeyb galeysa, waxaana kullankan kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud Gudoomiyaha Xiriirka Ser Kubbadda Cagta Mudane Cali Cabdi Maxamed “Cali Shiino” iyo Gudoomiyaasha ciyaaraha maamul Goboleedyada.
Ugu horeyn waxaa kullanka lagu shaaciyey in tartanka Kubbadda Cagta Gobolka Banaadir iyo Maamul Goboleedyada si rasmi ah loo qabto 29-ka bishan oo ku beegan maalin jimco ah, waxaana tartanka lagu ciyaari doonaa Muqdisho.
Tartanka waxaa ka qeyb galaya kooxaha Gobolka Banaadir, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland.
Waxaa tartanka arrimo siyaaadeed awgeed ka  maqan Puntland, iyadoo khaatumo State oo la filayey iney ka qeyb gasho ay buuxin weyday shuruudihii tartanka sida ay sheegtay Wasaaradda Isboortiga.
Sidoo kale waxaa la kordhiyey tirada ciyaartooyda kooxaha oo markii hore ahayd 22 ciyaartooyda, sanadkan waxaa la dhigay 25 ciyaartooy.