Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamada Ciidanka qalabka sida oo xukun adag ku riday C/wahaab Cali Raage

WAR-SAXAAFADEED

MAXKAMADA CIIDAMADA QALABKA SIDA

Cabdiwahaab Cali Raage (Saadaq) ayaa loogu soo xeray magaalada Muqdisho bilo ka hor ka tirsanaanshiyaha al-shabaab una qaabilsanaa daabulida qaraxyada iyo kooxaha dilalka fuliya.

Waa dagaalyahan hore Xisbo ilaa iyo Jabhad kana qeyb qaatay dagaalo lala galay Ciidamada Qaranka iyo weeraro badankood Muqdisho iyo Hiiraan kala dhacay.

Cabdiwahab reerkiisa ayaa dalka ka dhoofiyay balse, waxa uu dalka dib ugu soo laabtay si uu u daadiyo dhiiga shacabka Soomaaliyeed, isaga oo dhawac ka so gaaray dagaal ay Maleeshiyada la gashay ciidanka ATMIS.

Waxaa loo arkayay qabiir la qabsan kara mowjadaha magaalo Xamar oo kale ah xambaarsna qibradaha is bad badelka isagoona xariif ku ahaa tir tirida raadadka,  Muqdisho ayaa loo soo badelay waxaana uu ku shaqa bilaabay moota Bajaaj sida lagu soo eedeyayna ay ku hoos jirto shaqadiisa Khawaarijnimo. sida qaadista Xubnaha dhagar qabayaasha ah iyo kala gudbinta qaraxyada iyo sahminta jidadka caasimada.

Ciidanka xasilinta caasimada ee Boolis Militaaro ayaa ka soo qabtay deeganka Ceelasha Biyaha Lix iyo tobankii bishii Augost ee sanadkan.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudaynta kiiskan waxaana laga ogolaaday Tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku Xukumay, Cabdiwahaab Cali Raage Toban sano oo xabsi ciidan ah. Sida uu warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha maxkamda Darajada ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xassan Cali Nuur Shuute.

Related posts

Al Shabaab oo war kasoo saartay Weerar xoogan ay ku qaadeen Xerada Balli Doogle

Cabdi Cade

Jubbaland oo ka farxisay boqolaal qaxooti ka soo laabtay xerada Dhadhaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo qorshe cusub ka bilowday Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---