Danjiraha Israa’iil u fadhiya UK ayaa sheegtay in waddankeeda aanu aqbali doonin in la helo xal laba dawladood ku saleysan marka uu dagaalka Qasa uu dhamaado.
Mar wax laga waydiiyay rajada laga qabo in Falastiiniyiintu yeeshaan dawlad u gaar ah, Tzipi Hotovely ayaa u sheegtay Sky News: in Gabi ahaanba arrintaa aaney dhici karin.
Hotovely oo wax laga waydiiyay sida uu gobolku nabad ku heli karo oo aan ka aheyn laba dawladood, ayaa ku jawaabtay “Adduunku hadda waa inay ogaadaan in Falastiiniyiintu aanay waligood doonayn in ay yeeshaan dawlad u dhiganta Israa’iil”.
Xalka labada dawladood oo Israa’iil iyo Falastiin ah waa soo jeedin ka timid dalalka qaar ayna ku sheegeen in arrintaas oo la helaa ay xal u noqon karto dagaallada aan dhamaadka laheyn ee Qasa iyo weerarada ku socda Israel oo xoog ku qabsatay dhulka reer Falastiin.
Ra’iisal wasaaraha Britain ayaa sheegay in uusan ku raacsanayn hadal ka soo yeeray safiirka Israa’iil ee UK, kaddib markii ay diiday fikradda ah in la helo laba dowladood, marka uu dhammaado dagaalka Gaza.
Fikradda waxaa taageeray Maraykanka iyo xulafada kale ee Israa’iil.
Isaga oo ka jawaabaya faallooyinka Hotovely, Rishi Sunak ayaa u sheegay suxufiyiinta “Kuma raacsani taas”.
“Mawqifkayaga soo jireenka ah ayaa weli ah xalka labada dawladood waana xalka ugu wanaagsan “. ayuu yiri Raysul wasaare Rishi Sunak