Allbanaadir.com
NEWS

Xukun adag oo lagu riday Masuul hore lagu helay in Al Shabaab la shaqeenayay

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday guddoomiye kuxigeenkii hore ee arrimaha bulshada ee degmooyinka Hodan iyo Xamarweyne Abuukar Salaad Maxamuud oo lagu helay in Al Shabaab la shaqeeyay.

Abuukar Salaad Maxamuud  ayaa lagu soo eedeyay in uu ka tirsan yahay kooxda Al Shabaab uuna u qaabilsanaa dhoofinta iyo soo celinta xubno katirsan Al Shabaab, gaar ahaan kuwa dhaawaca ah ama xanuunsan.

Xeer Ilaalinta maxkamadda ayaa sheegtay in Abuukar sanadkii 2021 ka deegaanka Ugunji ee Sh/Hoose ah iska xaadiriyay si u bilaabo xiriirka Al Shabaab, isagoo maraya horjooge ay qaraabo ahaayeen oo Al Shabaab ka tirsan oo lagu magacaabo Cabdullahi Ibraahim.

Garsoorka Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya  oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay, Abuukar Salaad Maxamuud shan sanno oo xabsi ciidan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mahdi Guuleed oo si Rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay Koofi iyo Cabdul (Dawao Sawirro)

Cabdi Cade

Caro xoogan oo ka dhalatay booliis Mas ku cabsi galiyay nin Eedeysane ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Booliiska oo Muqdisho ku qabtay Burcad dhac geesatay iyo ganacsade xiriir la lahaa (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---