Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiiraada maamulka Somaliland oo ansixiyay labo xeer oo muhiim u ah

Fadhigii 121aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi  ayaa maanta diirada lagu saaray qodobo la xidhiidha Amniga iyo Ganacsiga, laguna ansixiyey xeerar kala duwan.

Ugu horayn Golaha Wasiirradu waxa uu war-bixin guud oo la xidhiidha amniga dalka ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Mudane, Maxamed Kaahin Axmed oo ka xog-waramay xaaladda amniga . Sidoo kale waxa goluhu warbixin ka dhegeystay, Wasiirka Wasaaraada Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo ka hadlay arrimaha ganacsiga dalka.

Dhinaca kale Golaha Wasiirradu waxa uu dood iyo falanqayn dheer ka yeeshay wax ka bedelka iyo kaabista laba xeer oo ay soo wada diyaariyeen Garyaqaanka Guud ee Qaranka, wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga iyo Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka iyo kaydka raashinka Qaranka, Xeerarkaas oo kala ah;

1. Kaabista iyo wax-ka bedelka Xeerka Xannaanada Xoolaha, Xeer Lr.34/2006 iyo.

2. Wax-ka Bedelka iyo Kaabista Xeerka Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka iyo kaydka raashinka Qaranka Lr.35/2007.

Ugu dambayntiina Madaxweynaha Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu cod geliyey labadaa xeer oo ay golaha wasiirradu ku ansixiyeen cod gacantaag ah, waxaana loo gudbin doonaa golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Is qabqabsi ka dhashay Magaca Xisbiga uu Gudoomiyaha ka yahay Xasan Sheekh

Cabdi Cade

(Xog) Ciidamo uu dalbaday Farmaajo oo Muqdisho yimid (Halkee laga keenay?)

Caydiid Ali

Baashi Max’ed Isxaaq oo isku dhiibay qeybta 60aad ee ciidanka Xoogga dalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---