Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Qoor Qoor oo si wadajir ah shir u guddoomiyay (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa si wadajir ah magaalada Kismaayo ugu goddoomiyay shirka wadajirka ah ee golaha Wasiirrada Jubbaland iyo Galmudug.

Shirka ay yeesheen wasiiradda labada dowlad goboleed ayaa intii uu socday waxaa warbixinno looga dhageystay wasiiradda Amniga Jubbaland, arrimaha gudaha iyo musiibooyinka.

Madaxweynaha Jubbalanad Axmed Maxamed Islaam ayaa dhankiisa ka jeediyay shirka golaha wasiiradda warbixin la xariirta Amniga gudaha, fatahaadaha, wax wada qabsiga iyo iskaashiga Labada dowlad goboleed.

Dhankiisa Madaxeynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa reer Jubbaland shacab iyo dowladba uga mahadceliyay sida loo soo dhaweeyay, waxa uuna  sheegay in reer Jubbaland ay kala xanuunsanayaan dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha, isagoo dhanka kale bogaadiyay horumarka ay ku tallaabsatay Jubbaland.

Ugu dambeyn labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Galmudug ayaa si wadajir ah u boggaadiyay arrimaha deyn cafinta oo ay sheegeen in aytahay guul usoo hoyatay ummadda Soomaliyeed albaabbo cusubna u furi doonta Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Magacyada iyo Sawirada Muslimiintii lagu laayay dalka New Zealand oo lasoo bandhigay

Cabdi Cade

Ciidamo Soomaaliyeed oo tababar aan caadi aheyn loogu soo xiray dalka Uganda (Sawirro)

Cabdi Cade

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan loogu dilay Koonfur Afrika

Cabdi Cade
Taboola Ads ---