Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo ka qeyb galay shir Xasaasi ah oo ka dhacay Riyadh (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Ibrahim sheekh Muxudiin ayaa magaaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudiga kaga qeyb-galay shirka taliyayaasha ciidamada militariga ee isbaheysiga dalalka islaamka ee la dagaalanka argagixisada oo soomaaliya xubin ka tahay.

Shirkan ayaa diirada lagu saaray qorshaha fog ee la dagaalanka argagixisada, waxaana kasoo qeyb galay shirka dowladaha xubnaha ka ah Isbahaysiga Islaamka ee la dagaalkanka argagaxisada iyo dowladaha taageera.

Shirkan ayaa u ahaa mid muhiim u ah dalkeena Soomaaliya, waxuuna ku soo dhammaaday shirkan guul iyo in Soomaaliya laga taageero la dagaalanka argagaxisada iyo ciribtirayo fikirka argagixisada

Dhanka kale Taliye Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Sacuudi kulan duceedyo kula qaatay taliyaaha ciidanka xoogga ee dalalka Sacuudiga, Kenya, Jabuuti, iyo Xogayaha guud ee Isbahaysiga islaamka, waxa uuna ugu warbixiyey guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Isbaheysiga dalalka islaamka ee la dagaalanka argagixisada ayaa la asaasay sannadkii 2015 waxaana ku mideysan 45 dowladood oo Soomaaliya kamid tahay, argagaxisada ayaana meelaha dhibka ku hayaan waxaa ugu horeysa Soomaaliya. ay ku xooggan yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wariye Caan ah oo Wareestay Jeneraal Abuukar Xuud oo Caawa la xiray

Cabdi Cade

Sambalooshe oo hal arrin ku dhaliilay qorshada wejiga labaad ee dagaalka Al-shabaab

Caydiid Ali

Cali Yuusuf oo loo magacaabay Wasiir Arrimo Dibadeed iyo DFS oo hambalyo u dirtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---