Allbanaadir.com
NEWS

Benjamin Netanyahu oo farriin hanjabaad ah diray kaddib hadalkii Madaxweyne Biden

Ra’isul Wasaaraha maamulka Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Xamaas ee ka socda magaalada Gaza, xilli ay sii luminayaan taageerada caalamka.

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in aysan marnaba joojin doonin ayna sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Xamaas, xitaa haddii ay waayaan taageeraada caalamka sida uu tilmaamay.

Hadalkan kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Israa’iil ayaa u muuqda mid jawaab u ahaa hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha Mareykanka ee ahaa in Israa’iil lumineyso taageerada caalamka sababo la xariira duqeyaha shacabka iyo dagaalka socda.

Dowladda Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha sida weyn Israa’iil ugu taageeray duullaanka ay ku qaadeen magaalada Gaza iyo duqeymaha arxan-darada ah ee lagu gumaadayo shacabka Falastiin.

Mareykanka ayaa sidoo kale kamid ahaa dowlado tiro yar oo diiday  in heshiis xabbad-joojin ah laga gaaro dagaalka socda, kaddib markii Qaramada Midoobay u codeeyeen hir-gelinta heshiis xabbad-joojin ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan goor dhow shir jaraa’id kaga dhawaaqay inuu iscasilay

Caydiid Ali

Dedaalo lagu baajinayo Banaan baxa beri ka dhacaya Muqdisho oo socda

Cabdi Cade

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo kawada hadlay Culees ku yimid helista Fiisaha Kenya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---