Allbanaadir.com
NEWS

Khilaafka madaxweyne Deni iyo kuxigeenkiisa oo sii xoogeesanaya iyo mucaaradka oo…

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaadka yahay ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Karaash ayaa waxaa soo kala dhax galay khilaaf xooggan oo salka ku haya doorashada dhawwaan la filayo in ay dhacdo.

Labada masuul ayaa markii hore isku raacsanaa in ay sameestaan muddo kororsi iyo sidoo kale hir-gelinta doorasho qof iyo cod ah, balse waxa ay kala tageen markii qorshohoodii hore u socon waayay laguna qasbay in doorasho nuucii hore ah la qabto.

Madaxweyne Deni ayaa aqbalay in xildhibaannada 66-da ah ay soo doortaan madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, waxa uuna soo jeediyay in lasoo xulo xildhibaanno cusub si ay usoo doortaan hoggaanka Puntland.

Axmed Karaash ayaana kahor yimid rabitaanka Deni ee ah in xildhibaanno cusub lasoo xulo, waxa uuna Axmed Karaash taageeray muddo kordhin ay sameesteen xildhibaannada Puntalnd ,kuwaa oo iyagu doonaya in ay doortaan hoggaanka sare ee Puntland.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa sidoo kale kahor yimid guddiga xalinta khilaafaadka doorashada uu magacaabay madaxweyne Deni, waxa uuna sheegay Axmed Karaash in guddigaasi uusan sax aheyn wax wadatashi ahna aan lagala sameyn.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaana fursad weyn u arka khilaafka soo kala dhax galay madaxweyne Deni iyo kuxigeenkiisa, waxa ayna u arkaan fursad ay uga faa’iideysan karaan ayna meesha uga saari karaan labadadan hoggaamiye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo Shaacisay magaca iyo Qabiilka ninkii isku qarxiyay Cabdullaahi Waafoow

Cabdi Cade

Hormuud oo  Deeq Lacageed Guddoonsiiyay school ay wax ka bartaan Dadka Magalka la’ (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

C/kaafi Maxamed Max’uud oo ka soo horjeestay xilka qaadis lagu sameeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---