Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo u mahadceliyay Masuuliyiin katirsan Bangida Adduunka iyo IMF

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo kula qaatay xarumahooda magaalada Washington ee dalka Mareykanka mas’uuliyiinta ka tirsan hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka.

Xasan Sheekh Maxamuud  ayaana masuuliyiintan uu la kulmay uga mahadceliyay doorkoodii ay ku lahaayeen guushii taariikhiga ahayd ee dalkeennu ka soo hooyay barnaamijka deyn cafinta.

Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiintan kala hadlay sidii hay’adahoodu ay markale Soomaaliya ugu garab istaagi lahaayeen xaqiijinta himmilooyinka dhaqaale ee u dagsan, tayaynta hay’adaha maaliyadda, kor u qaadista dakhliga iyo maalgashiga caalamiga ah .

Soomaaliya ayaa laga cafiyay lacag deyn ah oo gaareysa $5.2Billion, waxaana barnaamijkan deyn cafinta oo soo socotay muddo sannadooyin ah nasiib u yeelatay dowladda Xasan Sheekh in xilligeeda Soomaaliya laga cafiyo lacagta deynta aheyd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mashruuca biyo xireenka Saabuun oo maanta si rasmi ah loo Daah-furay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada oo War kasoo saartay sababaha hakadka galiyay Howlihii Hoobalada Waabari

Cabdi Cade

Dowlada Kenya oo oo si adag uga hadashay Muranka Badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---