Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo oo ka hadlay talaabada deynta looga cafiyey Soomaaliya (Akhriso)

Madaxweynihii hore ee Somaia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey talaabada ay qaadeen Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta adduunka ee IMF oo goordhow si wadajir ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyey lacagihii deymaha ahaa ee lagu lahaa sanado badan kaddib dadaallo sanado socday iyo shuruudo badan oo Soomaaliya ka soo gudubtay.

War saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen hay’adda lacagta aduunka ee IMF iyo bankiga aduunka, ayaa lagu sheegay in la ansixiyey cafinta deynta lagu leeyahay Soomaaliya, taasoo dhan $4.5 bilyan oo doolar.

FARMAAJO AYAA SOO SAARAY QORAAL UU ARRINTAN KAGA HADLAY OO KU BILOWDAY SIDAN HOOSE.

Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynayaa guusha taariikhiga ah ee ku aaddan dhammeystirka halganka deyn cafinta Soomaaliya oo maanta uu qiray Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka in la gaaray bar-dhammaadkii dayn cafinta.

Shaqaalaha iyo howl-wadeennada qaranka Soomaaliyeed dhammaantood waxaan ku bogaadinayaa dhabar-adayga ay muujiyeen muddadii uu socday barnaamijka deyn cafinta, aniga oo ku ammaanaya dhaqaale-yahannada Soomaaliyeed doorka ay ka qaateen in dalkeenna laga cafiyo deymihii caalamiga ahaa.

Qorshaha Qaran ee deyn cafintu, waxa uu ahaa qori isu-dhiib muddo xileedyo kala duwan. Hoggaamintaydii waxay suurta galisay in aan ku guulaysano bar tilmaameedyadii iyo halbeegyadii ugu badnaa ee la xiriiray hawlaha dayn cafinta; hoggaanka hadda talada hayana uu dhammaystiray.

Waxaa kale oo barbar socdey kordhinta dakhliga gudaha, joogtaynta iyo bixinta mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada; dhaqan gelinta Sharciga Maamulka Maaliyadda ee dalka (PFM), hagaajinta Sharciga Iibka Qaranka iyo dib u eegista heshiisyo hore loo galay oo aan waafajinnay danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Dadaalladaas oo aan sanadkii 2020 ku soo gaarnay marxaladda muhiimka ah ee (decision point).

Maadaama dalku uu galayo marxaladda dhammaystirka dayn cafinta, waxaa muhiim ah in si taxadar leh loo wajaho heshiiyada dayn qaadashada cusub oo ah masuuliyad qaran, ayna waajib ku tahay Baarlamaanka in ay si buuxda u kor joogteeyaan, iyadoo lagu saleynayo baahiyaha mashaariicda horumarineed ee dalkeenna.

Sidoo kale, waxaa waajib ah in la xoojiyo hannaanka loo maamulayo mashaariicda horumarinta kaabeyaasha danta guud si shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiiyo adeegyo u qalma daynta magacooda lagu soo qaadanayo. Hannaanka loo marayo iibka qaranka iyo heshiisyada dhaqaale waa in ay noqdaan kuwa daahfuran oo waafaqsan shuruucdeenna.

Ugu danbeyntii, dalku wuxuu wali ku jiraa marxalad ay nugul yihiin hay’adihiisa, inkastoo guulo laga gaaray dhanka horumarinta maaliyadda. Sidaas darteed, waxaa hortaalla Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay dardargeliso mashaariicda horumarineed, si loogu jaangooyo baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Sharciga Doorashooyinka oo loo qeybiyay Xildhibaanada labada aqal (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo ka dhoofay Muqdisho iyo Ujeedka Socdaalkiisa

Cabdi Cade

Madaxtooyada oo War kasoo saartay Ujeedka Safarka Madaxweynaha ku aaday Masar

Cabdi Cade
Taboola Ads ---