Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Dowlad goboleedka Koonfur galbeed ayaa maanta soo bandhigtay afar xubnood oo ka tirsana al-shabaab, kuwaasoo ay sheegeen iney isa soo dhiibeen
Xubnahan aya sheegay iney ka tirsanayeen ciidanka loo yaqaano Jabhadaha ee ka tirsan al-shabaab.
Waxay sheegeen iney ka soo dagaalameen gobolada Shabeelooyinka, Hiiraan iyo Gedo.
Raggan ayaa sheegay iney ka baxsadeen dhibaatooyin ay sheegeen iney kala kulmeen xaaladaha iyo duruufaha ay ku sugan tahay Al-shabaab ayna go’aansadeen iney isaga soo tagaan.
Waxay intaas ku dareen in si wanaagsan loo soo dhoweeyey markii ay yimaadeen goobaha uu ka jiro maamulka Koonfur galbeed, iyagoo saaxiibadood weli ka mid ah Al-Shabaab ugu baaqay iney ka soo baxaan.
Waxaa mudooyinkan sii kordhayey dagaalyahnada ka soo goosanaya Al-Shabaab ka dib markii ay kooxdaas cadaadis xoogan kala kulmeen howlgalada ay wadaan ciidamada DF iyo maleeshiyada beelaha oo ka saaray degaano iyo degmooyin badan.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA